Sunday, March 1, 2009

Cambaareyn Golaha Dhalinta Ogadenya uu ka soo saaray Dadka lagu xasuusqay Qabribayax.

Dec 20, 2008 Dhibaatada Ogaadeenya marba marka ka dambaysa ay xukuumadda Gumaysta ee Itoobiya u gaysanayso oo aad u badan taas oo saamaysay dhamaan shacabka Ogaadeenya xadgudubka loo gaysanayo dadka rayidka ee aan waxba galabsanin.
Waxaan lasoconaa xaaladda Ogaadeenya ay manta ku jirto in dadka sabab laan loo laynayo oo lagu ridayo meelaha boholada dadka qaarna ayba waraabuhu cunayn, qaarna maalmo kadib ehelkoodo helan, qaarna ilaahadda la layahay.

Dhibaatada naxariisdara ah ee uu gumaysigu ku hayo shacabka waa mid marba marka ka dambaysa sii kordhaysa waxaana ka bara kacay Ogaadeenya dad aad u badan oo ukala cararay waddamada dariska la ah Ogaadeenya. Hadaba qayladii ONLF u gudbisay caalamka waxay saamaysay dhamaan hayda caalaka ayaga oo ka soo jawaabay
Waxaa Taariikhdu markay ahayd 18/12/2008 tuulo ka tirsan Qabribayax oo la yiraahdo Mooye lagu xasuuqay dad shacab ah oo lagu qiyaasay kontameeyo, Dadkan ay laayeen ciidamada naxariista daran ee Tigreega waxaa la sheegaya intay meel ku soo uruuriyeen in ay gowrac wada mariyee una dileen si fooolxun iyagoo dadka kalena ku qasbay in ay daawadaan marka la qoowracayay, mana jirto wax sabab looga dhigay xasuuqa loo gaystay dadka masaakiinta ah ee markii horaba nolashu ku adkeyd.

Hadaba Ururka Dhalinta Ogaadeenya oo loo yaqaano Ogaden Youth Forum isaga oo ka xun dhibaatada dadkooda lagu hayo wuxuu wuxuu marka hore tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan shacabka Ogaadeenya gaar ahaan eheladii dadka la xasuuqay ay ka tageen waxaanan illahay ka rajaynaynaa in uu u naxariisto inta dhimatay inta noolna uu sabir iyo badal khayr qaba iyo xornimo siiyo.

Cambaarayn:
Ogaden Youth Forum wuxuu cambaaraynayaa falkan naxariis darada ah ee naxdinta iyo murugada xambaarsan ee ay caadaysatay xukuumada dhiigyacabka ah ee kunaaxday dhiiga masaakiinta aan waxba galabsaninGoluhu wuxuu si kulul u cambaaraynayaa ciidamada xasuuqa iyo barkicinta ku haya bulshada Ogaadeenya kuwaas oo si aan kala sooc lahayn u wax yeeleeya dadka taagta daran ee shacabka ah mana aha markii ugu horeysay ee ay ciidamada Tigreegu ay falkan ku kacaan waxaana isa soo taraysa qaylo dhaanta ka imaanaysa caalamka oo isha ku haya xadgudubyada loo gaysanayo shacabka aan waxba galabsanin ee Ogaadeenya.

Baaq:
A Ogaden Youth Forum Wuxuu baaq u dirayaa hay’adaha u dooda xuquuda aadanaha wuxuuna ugu baaqayaa in ay si dhab ah uga hadlaan xadgudubka ka jira dhulka Ogaadeenya isla markaasna ay hubiyaan dadka ku jira xabsiyada sharci darada ku dhisan ee sida bahal nimada ah loogu jidh dilayo dad aan wax dambi ah lagu soo eedaynin

B Goluhu wuxuu ka codsanayaa dhamaan bulshada caalamka in Itoobiya laga joojiyo kaalmada la siiyo ee ay u adeegsanayso wax yeelaynta shacbka isla markaasna lagu cadaadiyo in ay joojiso xadgudubyada loo gaysanayo dadka rayadka ah ee aan wax dambi ah galin.

Digniin:
Ogaden Youth Forum wuxuu digniin u jeedinayaa nimanka uu gumaysigu u sii maro dhibaataynta shacabkooda kuwaas oo lagu tilmaamo maamul ku sheeg balse uu gumaysigu u samaystay in ay u noqdaan hangool uu ku shaqaysto iyagoo inta badan nimankan maamul ku sheega ihi si cadaw tinimo ah u wax yeeleeya dadkooda waxaanan u sheegaynaa in lala xisaabtami doono maalin malmaha ka mid ah hadii ay noolaadan hadii ay geeriyoodaana koleyba lala xisaabtami oo ay sugayso xisaabta weyn ee aan cidina ka doodi karin.

Bogaadin:
Goluhu wuxuu bogaadinayaa shacabka Ogaadeenya ee geesiga ah una dul qaatay dhibka iyo wax yeelaad la doonayo in lagu ogolaysiiyo heeryada gumaysiga, Waxaanan ku amaanaynaa sida ay u diideen in ay marnaba isudhiibaan taliska macangaga ah ee Itoobiya.

Gabagabo:
Goluhu wuxuu ku boorinayaa shacabka Ogaadeenya ee geesiga ah kuna sugan gudo iyo dibadba in ay meel uga soo wada jeedsadaan gumaysiga iyo gacanyarihiisa uu ku adeegto isla markaasna ay ka digtoonaadaan shirqoolada cadawgu uu marwalba u maleegayo. Goluhu wuxuu si gaar ah u xusuusinayaa Jaaliyadaha Ogaadeenay ee ku dhaqan daafyaha caalamka in ay lasocdaan dadka midabka magaca iyo dhiigaba aynaan ku kala soocnayn marar badana isu ekaysiiya in ay wadaan danaha shacabka Ogaadeenya balse ay samaysatay xukuumada Itoobiya kooxahaas oo ujeedadoodu tahay in ay hagar daameeyaan danaha umada islamarkaasna loo tabo baray habab casri ah oo aan hore loo fahmi karin waxay kooxahani inta badan ku gabadaan magac qabiil oo aan daacad ka ahayn waxayna u shaqeeyaan habab kala gadisan oo hoosta xiriir ka leh waxaana ka mida qaar aan wali lagu baraarugin balse iyagu is fashilin kadib marka ay ka so baxaan calaamado muujinaya waxa loo soo diray oo ah in ay marwalba tashuush aan jirin ku afuufaan bulshada si loo wiiqo wada jirka iyo midnimada shacabka Ogaadeenay ee isku danta ah.

OGADEN YOUTH FORUMGolaha Ogaden Youth Forum waa gole madaxbannaan oo ay isku bahaysteen qurba-joogta Ogaadeenya. Waxa uu Golahani aaminsan yahay, horumarka iyo madaxbannaanida Ogaadeenya, wuxuna iskaashi la sameeyaa Jaalliyadaha Ogaadeenya ee dalka dibaddiisa ku dhaqan iyo waliba ciddii kale ee danaysa dhibaatada uu gumaysigu ku hayo shacabka Ogaadeenya. Golahani wuxu rumaysanyahay in dadka u dhashay Soomaalida Ogaadeenya ee dibaduhu ay door ka ciyaari karaan xal u helida masiirka aayo katalinta Ogaadeenya.

Ogaden Youth ForumE-mail ogadeny@yahoo.com