Dec 20, 2008 Dhibaatada Ogaadeenya marba marka ka dambaysa ay xukuumadda Gumaysta ee Itoobiya u gaysanayso oo aad u badan taas oo saamaysay dhamaan shacabka Ogaadeenya xadgudubka loo gaysanayo dadka rayidka ee aan waxba galabsanin.
Waxaan lasoconaa xaaladda Ogaadeenya ay manta ku jirto in dadka sabab laan loo laynayo oo lagu ridayo meelaha boholada dadka qaarna ayba waraabuhu cunayn, qaarna maalmo kadib ehelkoodo helan, qaarna ilaahadda la layahay.
Dhibaatada naxariisdara ah ee uu gumaysigu ku hayo shacabka waa mid marba marka ka dambaysa sii kordhaysa waxaana ka bara kacay Ogaadeenya dad aad u badan oo ukala cararay waddamada dariska la ah Ogaadeenya. Hadaba qayladii ONLF u gudbisay caalamka waxay saamaysay dhamaan hayda caalaka ayaga oo ka soo jawaabay
Waxaa Taariikhdu markay ahayd 18/12/2008 tuulo ka tirsan Qabribayax oo la yiraahdo Mooye lagu xasuuqay dad shacab ah oo lagu qiyaasay kontameeyo, Dadkan ay laayeen ciidamada naxariista daran ee Tigreega waxaa la sheegaya intay meel ku soo uruuriyeen in ay gowrac wada mariyee una dileen si fooolxun iyagoo dadka kalena ku qasbay in ay daawadaan marka la qoowracayay, mana jirto wax sabab looga dhigay xasuuqa loo gaystay dadka masaakiinta ah ee markii horaba nolashu ku adkeyd.
Hadaba Ururka Dhalinta Ogaadeenya oo loo yaqaano Ogaden Youth Forum isaga oo ka xun dhibaatada dadkooda lagu hayo wuxuu wuxuu marka hore tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan shacabka Ogaadeenya gaar ahaan eheladii dadka la xasuuqay ay ka tageen waxaanan illahay ka rajaynaynaa in uu u naxariisto inta dhimatay inta noolna uu sabir iyo badal khayr qaba iyo xornimo siiyo.
Cambaarayn:
Ogaden Youth Forum wuxuu cambaaraynayaa falkan naxariis darada ah ee naxdinta iyo murugada xambaarsan ee ay caadaysatay xukuumada dhiigyacabka ah ee kunaaxday dhiiga masaakiinta aan waxba galabsaninGoluhu wuxuu si kulul u cambaaraynayaa ciidamada xasuuqa iyo barkicinta ku haya bulshada Ogaadeenya kuwaas oo si aan kala sooc lahayn u wax yeeleeya dadka taagta daran ee shacabka ah mana aha markii ugu horeysay ee ay ciidamada Tigreegu ay falkan ku kacaan waxaana isa soo taraysa qaylo dhaanta ka imaanaysa caalamka oo isha ku haya xadgudubyada loo gaysanayo shacabka aan waxba galabsanin ee Ogaadeenya.
Baaq:
A Ogaden Youth Forum Wuxuu baaq u dirayaa hay’adaha u dooda xuquuda aadanaha wuxuuna ugu baaqayaa in ay si dhab ah uga hadlaan xadgudubka ka jira dhulka Ogaadeenya isla markaasna ay hubiyaan dadka ku jira xabsiyada sharci darada ku dhisan ee sida bahal nimada ah loogu jidh dilayo dad aan wax dambi ah lagu soo eedaynin
B Goluhu wuxuu ka codsanayaa dhamaan bulshada caalamka in Itoobiya laga joojiyo kaalmada la siiyo ee ay u adeegsanayso wax yeelaynta shacbka isla markaasna lagu cadaadiyo in ay joojiso xadgudubyada loo gaysanayo dadka rayadka ah ee aan wax dambi ah galin.
Digniin:
Ogaden Youth Forum wuxuu digniin u jeedinayaa nimanka uu gumaysigu u sii maro dhibaataynta shacabkooda kuwaas oo lagu tilmaamo maamul ku sheeg balse uu gumaysigu u samaystay in ay u noqdaan hangool uu ku shaqaysto iyagoo inta badan nimankan maamul ku sheega ihi si cadaw tinimo ah u wax yeeleeya dadkooda waxaanan u sheegaynaa in lala xisaabtami doono maalin malmaha ka mid ah hadii ay noolaadan hadii ay geeriyoodaana koleyba lala xisaabtami oo ay sugayso xisaabta weyn ee aan cidina ka doodi karin.
Bogaadin:
Goluhu wuxuu bogaadinayaa shacabka Ogaadeenya ee geesiga ah una dul qaatay dhibka iyo wax yeelaad la doonayo in lagu ogolaysiiyo heeryada gumaysiga, Waxaanan ku amaanaynaa sida ay u diideen in ay marnaba isudhiibaan taliska macangaga ah ee Itoobiya.
Gabagabo:
Goluhu wuxuu ku boorinayaa shacabka Ogaadeenya ee geesiga ah kuna sugan gudo iyo dibadba in ay meel uga soo wada jeedsadaan gumaysiga iyo gacanyarihiisa uu ku adeegto isla markaasna ay ka digtoonaadaan shirqoolada cadawgu uu marwalba u maleegayo. Goluhu wuxuu si gaar ah u xusuusinayaa Jaaliyadaha Ogaadeenay ee ku dhaqan daafyaha caalamka in ay lasocdaan dadka midabka magaca iyo dhiigaba aynaan ku kala soocnayn marar badana isu ekaysiiya in ay wadaan danaha shacabka Ogaadeenya balse ay samaysatay xukuumada Itoobiya kooxahaas oo ujeedadoodu tahay in ay hagar daameeyaan danaha umada islamarkaasna loo tabo baray habab casri ah oo aan hore loo fahmi karin waxay kooxahani inta badan ku gabadaan magac qabiil oo aan daacad ka ahayn waxayna u shaqeeyaan habab kala gadisan oo hoosta xiriir ka leh waxaana ka mida qaar aan wali lagu baraarugin balse iyagu is fashilin kadib marka ay ka so baxaan calaamado muujinaya waxa loo soo diray oo ah in ay marwalba tashuush aan jirin ku afuufaan bulshada si loo wiiqo wada jirka iyo midnimada shacabka Ogaadeenay ee isku danta ah.
OGADEN YOUTH FORUMGolaha Ogaden Youth Forum waa gole madaxbannaan oo ay isku bahaysteen qurba-joogta Ogaadeenya. Waxa uu Golahani aaminsan yahay, horumarka iyo madaxbannaanida Ogaadeenya, wuxuna iskaashi la sameeyaa Jaalliyadaha Ogaadeenya ee dalka dibaddiisa ku dhaqan iyo waliba ciddii kale ee danaysa dhibaatada uu gumaysigu ku hayo shacabka Ogaadeenya. Golahani wuxu rumaysanyahay in dadka u dhashay Soomaalida Ogaadeenya ee dibaduhu ay door ka ciyaari karaan xal u helida masiirka aayo katalinta Ogaadeenya.
Ogaden Youth ForumE-mail ogadeny@yahoo.com
Sunday, March 1, 2009
Bayaan ku wajahan Marxalada cusub ee uu shacabka Ogaadeenya galay.
Feb 18, 2009 Waxyeelada iyo dulmiga joogtada ah ee lagu hayo shacabka Ogaadeenya waxay dhaxal siisay in ay maalinba maalinta ka dambaysa sii korodho dhibaatada iyo culyaska saaran dadka tabarta daran waxaana shacabka lagu hayaa cadaadis aad u weyn oo xasuuq iyo barokicin isugu jira. Waxaa labadii sano ee u dambeeyay laxasuuqay shacab faro badan oo kamid ah bulshada Ogaadeenya ee gumaysigu uu la hadhayaa waxayna askarta Wayaanuhu si ula kaca ah u waxyeeleeyeen kumanaan shacab ah oo aan waxba galabsanin kuwaas oo isugu jira wax la dilay iyo wax laxidhxiday dadkaas waxay ciidamada gumaysiga Itoobiya u gaysteen dhibaato dhaxal siisay in ay kuwa badan ka cararaan dhulkodii hooyo martina u noqdaan dhulkale sida Soomaaliya oo ay moodayeen dad walaalahood ah lakiin marar badan ay kala kulmeen dhib la mid ah kii ay ka soo carareen ee uu gumaysigu ku hayay. Waxaan la soconaa in dadka u dhashay Ogaadeenya ay cabsi weyn ku hayso dhamaan gobalada Soomaaliya qaarna looba gacan galiyay gumaysiga Tigreega ee aan waxba hambaynin.
Waxaa kale oo aynu ogsoonahay in dhalintii u dhalatay Ogaadeenya ay kamid yihiin kuwa uu dhibku si gaar ah u taabtay mar hadii aynan wadankodii hooyo ku noolaan karin waxana ku baran karin dantuna waxay ku qasabtay in ay qaar badani miciin bidaan in ay ka cararaan dhulkooda. Dhibaatadaas uu gumaysigu ku hayo waxay galaafatay dhalintii Ogaadeenya ee magaalooyinka Ogaadeenya iskaga nolaa kuwaas oo uu ka dhigayo ciidan isaga u shaqeeya oo dagaalka ay ka maagtee ciidanka Tigregu galiyo dagaalkaas oo ay waxba kaga qaadi wayeen Jabhadda ONLF ee sida kulul u wada halgan ay ku raadinayso xaqa aaya ka tilinta ay shacabka Ogaadeenya doonayaan in ay Itoobiya kaga hoos baxaan.
Anagoo ku hadlayna magaca dhalinyarada Ogaadeenya ee gudaha iyo dibadaba jooga waxaanu u sheegaynaa bulsha Ogaadeenya in ay ka digtoonaadaan dabinka uu gumaysigu la maagan yahay bulshada Ogaadeenya oo ah qaybi oo xukun waxaana shaki ku jirin hadii ay dhalintu baraarugto midnimadana ilaaliyaan in ay ka guulaysanayaan gumaysiga guunka ah. Sida caadada u ah gumaysi walba oo umad qabsada wuxuu ku dadaalaa in uu cabudhiyo si ay dadku u nuglaadaan, Waxaa kale oo uu aad ugu dadaalaa in uu dacaayad iyo qabiil ku kala dhex abuuro dadka walaalaha ah ee dulman arintaas oo khatar lagu dagmi karo ah hadii aan la muujinin midnimo waxay noqonaysaa in cadowgu soo kala dhex galo oo kolba waji horleh bulshada ku dhex abuuro.
Baaq:Waxaan dhamaan bulshada Ogaadeenya qaybaheeda kala duwan ugu baaqaynaa in ay muujiyaan Midmino iskana ilaaliyaan dacaayadaha uu gumaysgu fidinayo oo ay kamidka tahay in dadka lagu kala dhex abuuro qabyaalad iyo qabiil.
Waxaan si gaar ah ugu baaqaynaa dhalinta Ogaadeenya meel ay jogaanba in ay isku duubnaadaan kana dhiidhiyaan xasuuqa ka socdo dhulkooda qofwalbana halka uu joogo in uu shaqada laga rabo ka galo. Waxa aduunka umad walba hormar iyo xoriyadba gaadhsiiya waa dhalinta.
Culimada u dhalatay Ogaadeenya waa in ay xaqa shegaan oo masaajidyada ay imaamka ka yihiin ama culimada kale ee caalamka ee ay arkayaan u soo bandhigaan Jihaadka ka socda Ogaadeenya sheegaana cadaadiska umadaas lagu hayo waana waajib diini ah oo umaddu ku leedahay ninka Ogaadeenya u dhashay ee isaga oo arkagay ka gaabsaday maalinta qiyaamana waa la waydiiin.
Digniin:Ogaden Youth Forum wuxuu ka digayaa dhalinta Ogaadeenya ee magaalooyinka laga soo u ruuriyay qoryahana loo soo dhiiibayo si ay naftood hurayaasha halagnka wada uga doontaan duurka arintaas oo ah arin aad u foolxun, ninka Ogaadeenya u dhashay ee aqbala in uu doonato walaalkiisa duurka ugu jira sidii uu u xorayn laha umadda Ogaadeenya ee mudada dheer uu soo dul saraa gumaysiga Abasiinya ee la factirsaday qarni ka badan waxaan u sheegaynaa in uunan marnaba ku faa'iidaynin weerarka uu walaalkii ku qaadayo isla markaasna waxa ka horeeyaa ay tahay xabada kulul oo ay Tireegu u adkaysan la yihiin iyo waliba aakhiro oo cadaab ku sugayo waxaanan uga uga digaynaa dhamaan dhalnita Ogaadeenya in ay galaan dagaalka xaqdarada ah ee aakharo iyo aduunba seega ah.
Bogaadin:
Goluhu wuxuu bogaadinayaa shacabka Ogaadeenya ee geesiga ah una dul qaatay dhibka iyo wax yeelada la doonayo in lagu ogolaysiiyo heeryada gumaysiga, Waxaanan ku amaanaynaa sida ay u diideen in ay marnaba isudhiibaan taliska macangaga ah ee Itoobiya.
Gunaanad:Ugu dambayntii waxaan dhamaan bushada Ogaadeenya meel ay jogaanba ku baraarujinaynaa in aynan is dhiganin waana in ay kulamada badiyaan kana wada tashadaan sidii ay uga hoosbixi lahaayeen gumaysiga qarnigan gumaysanaya qayrkoodana kawada hoos bexeen horaan waxa wali idinku leebay gumaysiga waa dadnimo xumaantiina, Waxaan ognahay dhulka Ogaadeenya in uu kamid yahay wadamada ugu khayraadka badan, waxaana ognahay oo kale in uu kamid yahay dhulalka ugu saboolsan waxaana ka lifaya waa gumaysiga aan waxba kuu ogalayn waa in aad midowdaan oo halmeel aad wax uga soo wada jeedsataan waxa yar-yar ee dhexdiina ahna liqdaan oo aad fiirisaan danta guud.
OGADEN YOUTH FORUM Golaha Ogaden Youth Forum waa gole madaxbannaan oo ay isku bahaysteen qurba-joogta Ogaadeenya. Waxa uu Golahani aaminsan yahay, horumarka iyo madaxbannaanida Ogaadeenya, wuxuna iskaashi la sameeyaa Jaalliyadaha Ogaadeenya ee dalka dibaddiisa ku dhaqan iyo waliba ciddii kale ee danaysa dhibaatada uu gumaysigu ku hayo shacabka Ogaadeenya. Golahani wuxu rumaysanyahay in dadka u dhashay Soomaalida Ogaadeenya ee dibaduhu ay door ka ciyaari karaan xal u helida masiirka aayo katalinta Ogaadeenya.

Subscribe to:
Comments (Atom)